Waa kuma Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor)
Nin Khilaafka Neceb.
Waa hoggaamiye aan jecleyn khilaafka, balse jecel wadajirka, waa hoggaamiye aan jecleyn kala foggaanshaha, balse ka jecel isku-geynta talada iyo isku soo dhawaanshaha, waana hoggaamiye ku dheggan dhaqanka Soomaalida ee ah “ wixii qallocda in lagu xaliyo geedka hoostiisa, loona saaro cida ay quseyso, halkii la dhex dhigi lahaa kuwa aan ehel u aheyn taladaasi “. Khilaaf inuusan jecleyna waxaa tusaale kale kuugu ah; inuu la soo shaqeeyey afartii dowladood ee kala danbeeyey, kuwaasi oo kala ah; 1. Dowladii Shiikh Shariif, 2. Dowladii Xasan Shiikh, Dowladdii farmaajo iyo mida hadda dalka ka tallisa ee Xasan Shiikh.
Inta aan ka xasuusto waa wasiirka keliya ee xukummadda Xasan Cali Khayrre ka tirsanaa, ee casho ugu sameeyey Nairobi mucaarad iyo muxaafid, isaga oo ka codsaday inay aragtida ay dowlada ku dhaliilayaan la wadaagaan, si uu madaxdiisa ula wadaago, isagana uu usoo gudbiyo waxqabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay, waliba xilli ay nadir tahay wasiir xukuumaddaasi ka tirsan inuu mucaarad la fariisto, iskaba dhaaf inuu martiqaad u sameeyee. Waana sanadkii (2017) oo aheyd xilligii ugu xumaa oo ay dowlada Farmaajo Muqdisho ka geysatay gabood-falkii lagu weeraray xarunta Wadajir, ee lagu dilay askartii ilaalada ka aheyd meeshaasi, halka lagu dhawacay, oo waliba lagu xiray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.
WAA NIN DULQAAD BADAN.
Madaxweyne Ahmed Ali Kaariye Qoor-qoor, waxaa uu astaan u yahay dulqaadka iyo is cafinta, waxaana uu xalay-dhalay ka yahay waxkasta oo ay dhici karto inay labadiina idin dhexmareen. Waxaase uu jecel yahay in markasta inuusan kaala gaban waxa uu kuu qabo, balse ee uu ku dareensiiyo inaysan nolosha maanta iyo berri keliya aheyn, ee laga shaqeeyo u sahminta nolosha fogaan araga ah, ee aan ku dhisneyn “cuqdada iyo xinka galaafta nolosha ummadda oo dhan“.
Waxaa uu ahaa musharaxa loogu dhaliisha badnaa intii lagu jiray ololaha doorashada, waxaana isku baheystay kooxo kala duwan, oo hal dhinac ka arkeysay in laga hor istaago inuusan Madaxweyne ka noqon Galmudug, haddana dhammaan dhinacyadaasi markii uu guuleystay isagama dhigin “ Guuleyste “ ee waxaa uu geed-dheer iyo mid gaaban u fuulay in guusha la sheego ku jirto inuu garabkooda helo, iskana ilaawo wixii la soo maray oo jilaafo ah. Waana mida maanta keentay inay garbihiisa taagan yihiin labeentii mucaaradka, qaarna ay ka mid noqdeen golihiisa wasiirada.
SIYAASI AQOONTA JECEL
Madaxweyne Ahmed Qoorqoor, waxaa uu ku jiraa siyaasiyiinta inta badan garabsiiya bahda aqoonta ka shaqeysa ama aqoonta ku hubeysan, waxaana uu qofkasta ku xushaa wixii uu aqoon u leeyahay, haddii ay noqon laheyd mid maadi, diin ama dhaqan. Isagoona dhiirigeliya kor u qaadista wacyiga bulshada uu madaxda u yahay.
Ka hor inta uusan Madaxweynaha noqon, ee uu wasiiru dowlaha ahaa, waxaa uu Cadaado ka hirgeliyey Maktabada Cadaado iyo bandhigii buuggaagta ee Cadaado, taasi oo aheyd inuu dhinaca waxbarashada iyo kobcinta maskaxda ubadka soo baxayo uu hormuud u noqday. Hadda oo uu Madaxweyne noqdayna, waxaan rajeynayaa inuu intaasi ka badan u qaban doono guud ahaan Galmudug oo dhan. Inkastoo Madaxweyne Ahmed Qoorqoor helin caleemasaar, la mid ah madaxweynayaasha kale ee dhigiisa ah, haddana waxaa muuqata in waxqabadkiisa iyo rajada uu u abuuray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ee la xiriirta maareynta xilliga kala guurka, ee uu gogosha ugu dhigay Dhuusamareeb, ay ugu filan tahay caleemasaar barakeysan, oo waliba karti iyo hoggaan muujin ku laran.
Ugu danbeyn dabeecadiisa, waa nin kaftan badan,farxada iyo qosolka jecel, xarako badan, xitaa haddii uu joogo meel miyi ah. Waana deeqsi aan meel uu joogo qofka wax la’aan uga hoyan, haddii uu awood dhaamo, waana daryeelaha inta jiilicsan. Inta badan waxaa uu hadalkiisa gundhig uga dhigtaa gabayada iyo maahmaayaha Soomaalida, ee macnaha fog-daaran.
Lowxul maxfuudka kumasoo arkin balse inta aan hubo waa hogaamiyaha ay 90%kiiba bulshadiisu la jeceshahay in uu markale soolaabto.
0 Comments